Waxaa Garoonka dayuuradaha ee magaalada Jigjiga lagu soodhaweeyay Hooyo Gini Caafi Cilmi, oo ahayd hooyadii halganka Ogadenia, una dhaxday aabihii halganka Ogadenia Sheekh Ibraahim Cabdalla.

Hooyo Gini Caafi Cilmi oo mudo dheer wadanka qoxooti nimo kaga maqnayd ayaa soogaadhay dhulkeedii Hooyo, oo markii horaba si sharci daro ah looga qixiyay.

Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee magaalada Jigjiga iyo bahda Warfaafinta JWXO ayaa kaga hortagay garoonka Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga, halkaas oo sidiiran loogu soodhaweeyay.

Hooyo Gini ayaa Allaah SW umahad celisay kadib markay dib ugu soolaabatay dhulkeedii Iyo dadkeedii oo in badan ay uboholyow sanayd, waxaana wajigeeda kamuuqday farxad aan lasoo koobi Karin.

Xubnihii JWXO ee Hooyo Gini soodhawaynayay ayaa dhankooda aad ugu faraxsanaa in ay Hooyo Gini kula kulmaan dhulka Soomaalida Ogadenia oo nabad ah.

Hooyo Gini Caafi Cilmi iyo xubno dhowr ah oo safarkeeda kuweheliyay ayaa loogalbiyay goobtii loogu talagalay.

ONA Ogadenia

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay