Markasta waxaa xusid mudan in Nolosha ay ubaahantahay Odoros, islamarkaasina lagu Qaadaa dhigo, Hadba waxa jira iyo sidii looga gud-bi lahaa iyo talaabada xigta.

iyadoo ay tahay inaan kala xulano Arimaha ina hor ooli kara markaan ku Guda jiro higsigeena arimo blusheed, Siyaasadeed, dhaqaale, iyo waliba jaan-goynta guud ee Go’aamada guud iyo kaalinteenu inay noqoto mid muuqata oo miisaan ku dhex-leh Addis; si ay u sugnaato matalaadeenu.

Waxaan Ogsoonahay in xaaladuhu Daganayn waa marka laga hadlayo Arimaha guud ee itoobiya, Waxaa muuqata in qoomiyadihii Awooda ku soo dhex-sheegan jiray Siyaasadu inay dhufays isugu jiraan iyadoo mid kasta ku dadaalayo muuqashada kaalintooda. Siyaasiyiintu xaaladaha ay abuuraan waa mid salaan ay uuga dhigtaan danahooda iyo adkaynta gashiyadooda jiritaan.

Waxaan dareemi karnaa in waxbadan Isku milansanyihiin,SaaS oo ay tahay talaabooyinkeenu waa inay haystaan markasta mabd’a gashi u noqonaya rabitaankeena khilaafsana kii looga Bartay kooxihii shisheeye kalkaalka u ahaa wayaane!

Bulshadu waa mid u baahan in loo jiheeyo halka danahooda dhabta ah ay ka muuqan karaan, midna marna ma aqbalayaan iska dhaadhicinta siyaasiyiinta Qoomiyadaha kale, taasina waa Qodob lama taabtaan ah.

Africa guud ahaanteed inkastoo waxyaabo badan ay ka gaabiso oo dhinaca habka maamulkeeda dhaliilo badan loo soo jeediyo hadana intaas inay daadaal la timaado waa mid ay ku hadaaqaan masuuliyintoodu balse fulintii ayaa marka udanbaysa ku Adkaata, taasi oo inta badan loo Badiyo ku dhaqan la’aanta Waxyaabaha mudan in la tixgaliyo.

Markii wadada Nabada, Cadaalada,Sinaanta,Dimuqraadiyada dhabta ah wadadeeda la hayo wax la Isku maandhaafa meesha inuu ka baxo ayay noqonaysaa.
PM Abiye Ayaa mar uu lahadlayay EPRDF kulankoodii hawaasa ee dabayaaqadii Kal hore wuxuu Si cad uqeexay inay Cadaalad daro tahay in Afar qoomiyadood kaliya matalaan shucuubta ree itoobiya!
Taasi ayaa u baahan in laga dhabeeyo,halka Afartaa min 40 xubnood u Matalaan Xabsiga talada haya!
Waa Oromo, shucuubta Koonfureed, Axmaarada iyo tigreega. Intakale waxaa dhacda inay wadada ku soo jiraan.

Cabdulaahi Cabdi Ibraahim.
sulaymaaan3@gmail.com.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay