Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika (AU), kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka.

Taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya, maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in AU ay muhiimad siinayaan kaalinta Soomaaliya ee AU iyo wax wada qabsiga, iyo taageerada ay Soomaaliya u muujiyeen, ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirigelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay