Ugu yaraan 27 askari ayaa ku dhintay weerar bambaano oo ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaadhi bas ah oo siday ciidamada Jamhuuriga Iran oo marayey meel u dhaw xaduuda u dhaxeysa dalalka Iran iyo Pakistan.

Weerarkan ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay gobalka Sistan-Baluchestan ee Koonfur-Bari dalka Iran gaar ahaan wadada isku xirta magaalooyinka Zahedan iyo Khash. Gaadhiga baska ah oo siday ciidamada Jamhuuriga ayaa ka yimid dhinaca xaduuda Iran la leedahay Pakistan, waxaana weerarkan sheegtay inay ka danbeeyeen koox Sunni ah oo lagu magacaabo Jaysh Al Cadal.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili shalay magaalada Warsaw ee dalka Poland uu ka furmay shir ay soo qaban qaabiyeen Maraykanka iyo Israel oo ka dhan ah Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa bartiisa twitterka ku qoray in weeraradan argagaxisada ah ee lagu soo beegay shirka ka socda Poland uu muujinayo ololaha iyo weerarka ka dhanka ah dalkiisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay