Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolka Qoraxay oo indhawaalaba kujiray safaro abaabul ah oo dagmooyinka qaar ay kumarayeen ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Qabridahare oo ah xarunta Gobolka Qoraxay.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay Mudane Cabdirisaaq Xassan Biixi, ayaa socdaal kubixiyay Dagmooyinka Dhoobawayn, Higloolay iyo Shilaabo, waxayna waftigu lakulmeen dad aad ubadan.

Waftiga JWXO ee Gobolka Qoraxay ayaa kulamo uqabtay dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmooyinkaas iyo waliba xubnaha JWXO ee halkaas ka howlgala.

Waftiga Xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay ayaa gudbiyay fariintii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal taas oo ah waxa kaliya ee hormar lagu gaadhi karo.

Dadka Shacabka ah ee kudhaqan koonfurta iyo Bariga Gobolka Qoraxay ayaa siwayn ugu diirsaday socdaalka waftiga JWXO oo ahaa wax ay aad ugu baahi qabeen mudo dheer.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay