Qaramada Midoobay (QM) ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Hawl-galkan QM ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira dalka Soomaaliyeed la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.

QM ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isaga oo Sanduukheeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhawaad 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay