Waxaa kulan muhiim ah isugu yimid Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU Unugtiisa magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan oo ahaa mid lagu shaqo qaybsanayay ayaa maanta kaqabsoomay xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee magaalada Qabridahare.

Xubnaha Ururka OYSU ee magaalada Qabridahare ayaa siwayn uga soo qayb galay kulanka, waxaana kulanka daadihinayay Xoghayaha OYSU ee magaalada Qabridahare iyo gudigiisa.

Warbixin iyo kala warqaadasho kadib xubnaha ayaa loo howl qaybiyay waxaana lagu balamay in dhalintu ay shaqooyin kasoo qabtaan 11ka xaafadood ee magaalada Qabridahare, halkaas oo ay kadhisan yihiin Unugyo aad ushaqeeya.

Gabagabadii waxaa kulanka khudbado dardaaran ah kajeediyay Gudoomihaya xafiiska Jabhada ee Dagmada Qabridahare mudane Maxamed Muxumed Macalim Yuusuf. (Caynaanshe) wuxuuna xubnaha OYSU kula dardaarmay in ay sare uqaadaan howlahooda shaqo oo hadaba sifiican usocda.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay