Waxaa maanta kulan balaadhan isugu yimid xubnaha Ururka OYSU Fariciisa Midnimo ee kahowl gala Xerada qoxootiga Dhagaxlay ee Deegaanka Dhadhaab.

Kulankan ahaa midkii caadiga ahaa ee Ururku OYSU qaybtiisa Dhagaxlay ay isugu imaan jirtay ayaa furmay galinkii hore ee maanta oo Axad ah, waxaana furay Xoghayaha OYSU Dhagaxlay halgame Faarax Dayib.

Xoghayaha iyo gudigiisa ayaa xubnaha uga warbixiyay shaqooyinka ururka uqabsoomay iyo kuwa loobaahan yahay in laqabto, waxayna gudigu shaqo qayb usameeyeen xubnaha ururka.

Sidoo kale xubnaha Ururka OYSU ee xerada Dhagaxlay ayaa Gudiga siiyay talooyin wax ku ool ah, si horay loogu socdo loona dhamaystiro howlaha halgan ee ururka uyaala.

Gabagabadii kulankii xubnaha OYSU Dhagaxlay ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah iyadoo lagu balamay hadal yar iyo howl badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay