Lacagtan ayaa ah canshuurta Isra’el ka qaado dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed ee wabiga Urdun (West Bank).

Heshiiskii horey loo dhex dhigay maamulka Falastiin iyo Israel ayaa qorayey in Israel ay iyadu u qaado canshuurta maamulka Falastiin kadibna ku wareejiso maamulkaasi, balse Israel ayaa sheegtay in lacagtan aysan u gudbin doonin Maamulka Falastiiniyiinta iyadoo ku dooday in lacagtaasi loo adeegsan doono falal argagaxiso, waa siday hadalka u dhigeenee.

Israel ayaa ku doodaysa in lacagtan qeyb kamid ah lasiin doono Qoysaska maxaabiista reer Falastiin ee ku jira xabsiyada Israel. Maamulka Falastiin oo sheegay inay iyagu xaq u leeyihiin in lagu soo wareejiyo lacagtooda canshuurta ah sida horey loogu heshiiyey ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay bixiyaan lacagta ay u qoondeeyeen dhamaan qoysaska halyeyada reer Falastiin ee u xiran Maamulka Israel.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay