Xili ay taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Kenya ay shuruudo ku xidhay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibadda dalka keny Macharia Kamau ayaa laga soo xigtay shuruudo dhan saddex kuwaas oo ku qotomaya muranka iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dalka.

Shuruudaha ayaa kala ah

  1. In dowladda Soomaaliya ay ka noqoto qeybaha ka mid ka ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuq geysay Shirkii 7-dii bishan ka dhacay magaalada London.
  2. In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan Shirkadihii baayacay Xirmooyinkii dhulka Shidaalka ee ay ku soo bandhigtay Shirkii London, isla markaana ay cadeyso in dhulkaas ay Soomaaliya laheyn.
  3. In laga baaqsado Maxkamada Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo muranka badda ee u dhexeeya labada dal si walaaltinimo oo hoose lagu xaliyo.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa xoghayahaga joogtada ah ee wasaarada arimaha dibadda ee dalka Kenya Macharia Kamau ayaa xustay in Kenya ay Soomaaliya ka dooneyso fulinta sadexdaas shuruudood si ay u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Soomaaliya.

Si kastaba dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay soo saartay warxaafadeed ay uga jawaabaysay eedeynta Kenya ,warsaxaafadeedkaas oo laga dheehan karay lahjad diblomaasiyadeed oo dagan iyo go’aan ka turjumaya ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanidada dalka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay