Muslimiinta ku dhaqan gobolka Kashmiir ayaa lagu wargeliyay inay feejignaadaan xilli ay soo baxayaan warar sheegayo in muslimiinta gobolkaasi ay wajahayaan cabsi iyo handdadaad kaddib weerarkii toddobaadkii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidammada dalka Hindiya.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in ardeyda kasoo jeedo Kashmiir lagu jirddilay gudaha dalka Hindiya halka qaar kalena lagu qasbay inay ka barakacaan halkaasi. Booliska Hindiya ayaa gargaar u fidiyay ardeyda qaar isla markaasna ka digay faafinta wararka beenta ah.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in dad cadhaysan ay bartilmaameedsadeen ardeyda reer Kashmiir ee wax ka dhigata gudaha Hindiya. Qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegtay in ardeyda qaar lagu qasbay inay ka baxaan magaalooyinka Hindiya halka qaar kalena ay cabsi lasoo deristay.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, 46 kamid ah ciidammada dalka Hindiya ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidammadaasi xilli ay marayeen waddo ku taalla gobolka Kashmiir. Weerarka waxaa sheegtay mas’uuliyaddiisa jabhad ka dagaallanta Pakistaan oo lagu magacaabo’Jeysh Al Maxamed’.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay