Waxaa maanta magalada Adis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya Kukulmay Masuuliyiinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia “JWXO” Iyo Gudoomiyaha Axsaabta Social Democrati ee Baarlamaanka Yurub Anna Gomez oo booqasho Rasmi ah ku joogta Itoobiya.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen xaalada Itoobiya guud ahaan, gaar ahaan Arrimaha Ogaadeenya iyo kaalinta ay ONLF ka qaadan karto xal u-helida dhibaatada mudada dheer ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Waftiga JWXO ayaa Gudoomiyaha uga warbixiyay xaalada Ogaadeenya meesha ay Marayso iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in beesha caalamku ay gacan ka gaysato sidii looga midha dhalin lahaa heshiiskii ONLF iyo Itoobiya, Waxayna sidoo kale ka dalbadeen in Midowga Yurub uu gacan ka gaysto arrimaha bani’aadamnimo ee Ogaadeenya.

Ugu dambayntii Madaxda JWXO Ayaa waxay uga mahadceliyeen sidii hagar la’aanta ahayd ee ay u garab istasgtay dadyowga ku dulman Geeska Afrika, gaar ahaan shacabka Ogaadeenya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay