Iyadoo weli aanan xal laga gaadhin khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa soo baxaysa dood ku aadan ganacsiga qaadka ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya.

Qaar kamid ah ganacsatada qaadka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay joojinayaan qaadka uga yimaado dalka Kenya iyagoo taa badalkeeda sheegay inay u wareegayaan suuqyo kale oo gobolka ku yaalla.

Afartii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho tageysay diyaarad qaad ka keentay dalka Itoobiya. Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa shalay sheegay inay dhibane u noqdeen mar kasta oo uu soo baxo khiilaaf dhex gala labada dawladood.

Dhawr iyo toban diyaaradood oo qaad sida ayaa maalin kasta degaa Soomaaliya kuwaas oo ka baxa waddanka Kenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay