Waxaa isa soo tarayaa walaaca ay dalalka caalamka ka muujinayaan dagaallada kooxaha hubeysan ay ka wadaan Suudaanta Koonfureed.

Kumanaan qof oo reer South Sudan ah ayaa u qaxay xadka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, maalmihii lasoo dhaafay dagaallo hor leh ayaa ka dhacay dalkaasi. Dalalka Norway, Ingiriiska iyo Mareykanka waxay sheegeen inay ka xun yihiin rabshadaha ka taagan gobolka Yei ee Suudaanta Koonfureed.

Dalalkan waxay ugu baaqeen dowladda South Sudan, ciidammada taabacsan madaxweynihii ku xigeenkii hore, Riech Machar iyo maleeshiyaadka kale inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda isla markaasna ay qaddariyaan heshiiskii dhinacyada ay gaareen sanadkii hore.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha gobolka inay u hoggaansamaan cunaqabateynta hubka ay Qaramada Midoobey kusoo rogtay dalkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay