Waxaa hada magaalada Addis Ababa ee xarunta Wadanka Itoobiya ka furmay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Ururada mucaaradka ah ee wadanka kadiiwaan gashan.

Shirkan oo ah mid muhiim u ah geedi socodka soorasha waxaa soo qabanqaabiyay Gudiga Doorashada Itoobiya, kuwaas oo doonaya in sida ugu haboon loodajiyo hab ka ay doorashadu udhici doonto sanad kadib.

Madaxda Ururada Mucaaradka ayaa dhankooda soodiyaariyay qodobo muhiim ah oo dan u ah geedi socodka doorashada iyo sidii hab macquul ah oo lagu wada qanacsan yahay loogu jahayn lahaa.

Wadanka Itoobiya oo dhawaan isbadal dhinaca siyaasada iyo dhaqanka ah uu kuyimid ayaa laga filayaa in loojaheeyo dhinaca dimuqraadiyada iyo sidii qolo kasta ay uga tashan lahayd aayaheeda si nabad ah.

Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa lafilayaa in ay kulanka kajeediyaan khudbado ku aadan mowqofka JWXO ee doorashooyinka dalka in ay kadhacaan lafilayo.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay