Laba isbadal oo kala duwan ayaa ka dhacay welina ka socda gobolada Ethiopia .. Isbadal korka ah oon weli hoos usoo dhaadhicin iyo isbadal hoose oon weli gaadhin kor. Isbadalka Deegaanka Somalida waa midka hore een weli u dhaadhicin hoos, meesha Oromada uu ahaa isbadal hoos kasoo bilowday oon gaadhin kor.

Midwalba caqabada hortaagan ayaa jira suu ugu gudbi lahaa heerka ka dhiman, oo u dhamaystirmi lahaa, sababtoo ah isbadal kala socda oon kor ilaa hoos wada gaadhin laguma tilmaami karo isbadal dhab ah oo hirgalay.

Hadaan eegno Deegaanka Somalida waxaa weli jooga oo ku fadhiya isbadalkuu doonayay shacabka hadhaagi Cabdi iley oo gobol iyo degmo iyo tuulo intaba budh iyo xabad meelaha qaarkood la hortaagan shacabkii. Isbadalka dhabta ah ee shacabka u baahan yahay waa inuu soo gaadho iyaga, ee ma’aha isbadalka ka dhacay Jigjiga inay daawadaan ..

Hadaan si deg deg ah wax looga qaban arintaa oo kuwa doonaya inay shacabka sii dul-saarnaadaan aan laga qaban, waxaa waajib ku ah shacabka Soomalida inay bilaabaan kacdoon shacbi oo guryaha iyo xafiisyada ugu galaan gufanayaashii ku naaxay ee welina jaqaya dhiiga dadweynaha ee lasoo taagan wax isbadalay majiro.

Isbadalka kor ka dhacay ee M/weyne Mustafe uu hogaaminayo waa inuu hoos u dhaadhacaa, si loo helo horumar iyo cadaalad. Suurtagalna ma’aha kuwii shalay dadweynaha cabudhinayay inay weli sii hortaagnaadaan.

Xuseen Nuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay