Waxaa 18/2/19 kulan heer sare ah Isugu yimid madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo Raysal-wasaaraha wadanka Itoobiya Abiye Axmed.

Kulankan oo kadhacay magaalada Addis Ababa ayaa ahaa mid siwayn loogu gorfeeyay xaalada wadanka Ogadenia iyo guud ahaan wadanka Itoobiya, oo isbadal uu mudo yar kahor kadhacay.

Sidoo kale Madaxda JWXO iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa kawada hadlay arimo ay kamid yihiin Khayraadka uu Allaah kumanaystay Ogadenia iyo gudiyada ay Itoobiya magacowday ee xuduudaha iyo tirakoobka, kuwaas oo shacabka Soomaalida Ogadenia ay aad uga biyo diideen.

Labada dhinac ayaa dhamaan qodobadii laga wada hadlay isku afgartay, waxayna isla qaateen in jahada wanaagsan loodhaqaaqo si looga midho dhaliyo isbadalkii dalka ka bilowday.

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa dhankiisa balanqaaday in uu kashaqayn doono sidii uu u hirgali lahaa heshiiskii ONLf iyo Itoobiya isla markaana isbadalku u gaadhi lahaa meelkasta.

Sidoo kale madaxda ugu sar saraysa JWXO oo kulanka fadhiyay ayaa Raysal-wasaaraha farta kasaaray mowqofka JWXO iyo rabitaanka shacabkooda, iyo waliba in ay u halgamayaan sinabad ah, taas oo waafaqsan heshiiskii JWXO iyo Itoobiya ee magaalada Casmara lagu sixiixay.

Sawirada madaxda labada dhinac oo cilad farsamo owgeed udib dhacay hoos kadaawo.

ONA Ogadenia.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay