Waxaa maanta Hotelka Istanbul ee magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan kaqabsoomay Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Kaadirka JWXO iyo Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Gudaha mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane).

Shirkan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Gudaha Halgame Diirane ayaa kuqabsoomay jawi dagan waxaana sidii caadada ahayd lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah.

Intaas kadib Gudoomiye Xaaji Diirane ayaa Kaadirka siiyay warbixin aad uqiimo badan oo uu kaga warbixinayay marxalada guud ee halganku uu maanta marayo iyo howlaha balaadhan ee howl-wadeenka Jabhada uyaala.

Halgame Xaaji Maxamed Cabdi Yaasiin Diirane ayaa sidoo kale sheegay in labalaadhiyay Hogaanka uu Gudoomiyaha kayahay ee HAAG oo ah midka ugu baaxada wayn hogaamada Jabhada.

Hogaanka ayaa Kaadirka JWXO usoo bandhigay xubno 7 ah oo loomagacaabay dhowr waaxood oo Hogaanka loosameeyay, kuwaas oo qaban doono howlo muhiim ah.

Sidoo kale Kaadirka JWXO ee kulanka sooxaadiray ayaa dhankooda soojeediyay talooyin dhowr ah oo ay u arkaan in lagu gaadhi karo yoolka aan higsanayno iyo hayaanka loogu jiro mustaqbal gaadhsiinta shacabkeena.

Kulankan oo mudo dheer socday ayaa kudhamaaday si qurux badan, iyadoo la isla qaatay qodobo dhowr ah oo howlaha halganka iyo geedi socodka dan u ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay