1- da May 2012 oo ah maalinka shaqaalaha ayaa waxaa dibad bax aad u balaadhan la isugu soo baxay badh tamaha magalaada Stockholm ee wadanka Sweden.

Dibad baxan ayay ururada shaqalaaha & ururada xaqu dirirka isugu soo baxeen ayagoo sida caadada u ahaan jirtay lug ku mara dhamaan magaalada.

Sidoo kale dibad baxa yaasha ayaa waxaa kamid ahaa oo qayb libaax ka qaatay Jaaliyada S/Ogadenia & Ururka OYSU Sweden oon marna ka maqnaanin goob walba oo dibad bax ama lagu gudbin karo codka shacabka S/Ogadenia.

Waxaa sidoo kale goobta ku idlaa dhamaan qowmiyadaha la gumaysto & kuwa ka cabanaya cadaalad darada xukuumadahooda ka jirta,

Sanadkan ayaa waxuu kaga duwanaa sanadadii hore aqoonta looleeyahay jaaliyaadka S/Ogadenia, Waxaa la arkayay cadaanka laftooda oo watay bodhad iyo calamada ogodaneya kuna dhawaqayay ogadenia haloo ogolado xoriyadooda wey dhamaatay waqtigii diktaatorinimada, Sidookale waxaa kasoo qayb galay dibad baxa soomaali badan oo markii hore ay soo casuumeen ururakalo siyaasadeed oo swidhis ah balse markay arkeen dadkii ajnabiga ahaa oo ku xoonsan calankan & boodhadhka S/Ogadenia ayaay ayaguna kuwii ay wateen tuureen oo ay qaateen kuwii reer ogadenia, Kadibna balan qaadeen inay garab istaagaan halganka xaqa ah ee baadi goobka loogu jiro helida xornimada Ogadenia.

Si kastaba ha ahaatee Dibad baxan oo ahaa mid aanan ku koobnayn Sweden kaliya balse sidoo kale ka socday dhaman Europé-ta kale shacabka S/Ogadeniyana ay wacad ku mareen inay meel walba codkooda ka dhiibtaan ayaa si fiican oo habsamiya usoo gabagaboobay.

Ilwad Ali

ONA/Stockholm.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay