Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan kulan muhiim ah kuyeeshay Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Xarshin.

Kulankan oo kadhacay Hotel Istanbul ayaa ahaa mid ay Odayaashu ka codsadeen madaxda JWXO in ay lakulmaan, waxaana kulanka kasoo qayb galay xubno kamid ah Golaha Dhexe ee JWXO oo uu hogaaminayay Mudane Cabdikaafi Sh Ismaaciil.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Xarshin oo Hadalka furay ayaa sheegay in ay kufaraxsan yihiin guud ahaan isbadalka wadanka kajira iyo imaanshaha JWXO oo guud ahaan wadanka Ogadenia u ah fursad balaadhan.

Sidoo kale Odayaasha ayaa madaxda JWXO usheegay in ay taageersan yihiin Xisbiga ay JWXO kudhawaaqday, iyagoo jecel in ay kubiiraan isla markaana ay wax laqabsadaan.

Dhinaca kale madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegay in ay aad usoo dhawaynayaan codsiga odayaasha, isla markaana ay JWXO utaagan tahay isku duubnida iyo walaalaynta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee wadanka Ogadenia kudhaqan.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa odayaasha usheegay in ay odayaasha Dagmada Xarshin uqaban doonaan kulan intan kabalaadhan, kaas oo uu kasoo qayb gali doono Suldaanka Beesha Habar-awal oo Hada howlo shaqo u aaday Dagmada Xarshin.

Gabagabadii kulankii madaxda JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Xarshin ayaa kudhamaaday is af garad waxaana loobalamay kulan balaadhan oo Madaxda sar sare ee JWXO iyo Odayaasha Dagmada Xarshin dhex mari doona.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay