Waxaa maanta oo Axad ah xerada qoxootiga Xagardheere ee Deegaanka Faafi ee wadanka Kenya kaqabsoomay shirwaynihii Faraca Itin ee Jaaliyada Ogadenia.

Shirwaynaha Faraca oo ah mid halkii sanaba mar qabsooma ayaa lagu doortaa maamul cusub oo faracu uu yeesho waxaana lagu sagootiyaa maamulkii hore ee mudadii sanadka ahayd xilka Faraca soohayay.

Shirka maanta oo ahaa mid siwayn loosoo qorsheeyay waxaa kasoo qayb galay Xubnaha Faraca Iftin iyo taageerayaasha JWXO ee kusugan xerada qoxootiga Xagardheere.

Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qayb galay kuxigeenka xidhiidhiyaha Jaaliyada Kenya ahna Gudoomiyaha qoxootiga Ogadenia ee wadanka Kenya, mudane Daahir Maxamed Cali iyo waliba qoomiyadaha Oromada, Gambeelaha, Suudaanta iyo waliba bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan xerada qoxootiga Xagardheere.

Xubnihii kasoo qayb galay shirwaynaha ayaa cod caqlabiyad ah kudoortay Halgame Cumar Sheekh Maxamed Xaaji oo kamid ah Kaadirkii mudada dheer soo halgamay, waxayna xubnuhu u igmadeen in uu hogaamiyo hadii Alle Idmo.

Kulankii balaadhnaa ee xubnaha Iftin ay isugu yimaadeen ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah, waxaana khudbado dardaaran ah soojeediyay qaar kamid ah madaxdii shirka kasoo qayb gashay.

Cabdiraxaan Baclay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay