Waxaa Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle Kaqabsoomay Shir balaadhan oo ay isugu yumaadeen howl-wadeenka Unugta JWXO ee Dagmada Dhanaan iyo qaar kamid ah xubnaha JWXO ee Dagmada.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa si quruxbadan usoo qotsheeyay Gudiga Xafiiska JWXO ee Dagmada Dhanaan, kuwaas oo xubnaha uga warbixiyay xaalada guud ee halganku uu marayo iyo waajibaadka saaran xubnaha.

Gudiga Unugta JWXO ee Dagmada Dhanaan iyo Maamulka Xafiiska JWXO ee Dagmada ayaa xubnaha uqeexay waajibaad kooda shaqo iyo waxa looga baahan yahay.

Sidoo kale xubnaha Unugta JWXO ee Dagmada Dhanaan ayaa mas’uuliyiinta waydiiyay su’aalo dhowr ah oo ay tabayeen, waxaana si qurux badan uga jawaabay madaxda Xafiiska Jabhada ee Dagmada Dhanaan.

Gabagabadii kulankii dhex maray xubnaha iyo mas’uuliyiinta Unugta JWXO ee Dagmada Dhanaan ayaa kusoo dhamaaday si nabad galiyo ah.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay