Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Siti ayaa magaalada Jigjiga kuqabtay Shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen xaalada murugsan ee dhulka Soomaalida ee Canfarta loogacan galiyay.

Odayaasha oo ah kuwa ugu dhumucda wayn ee Ugaaska Guud lashaqeeya ayaa magaalada Jigjiga uyimid sidii xal loogu heli lahaa xaalada sii xumaanaysa ee shacabka dariska ah ee Soomaalida iyo Canfarta.

Odayaasha ayaa sheegay in dowlada Dhexe ee Itoobiya looga baahan yahay in ay soofaro galiso xaalada colaadeed ee dhullaas kajirta, iyo in xal waara loohelo dhulka Soomaalida ee sida sharci darada ah loogu wareejiyay qoomiyada Canfarta.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Siti ayaa Dowlada Somali State kacodsaday in ay kahadasho xaaladaha murugsan ee dhulka la isku haysto, isla markaana ay door muuqda kaqaataan.

Gabagabadii Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Siti ayaa sheegay in ay dhankooda nabada ilaalinayaan, aadna ugu wayntahay walaalnimada iyo darisnimada, waxayna odayaashu sheegeen in sidooda oo kale wax loo arko.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay