Gal-galadka Hadhaagii wayaane.

Loolanka iyo isdhererarinta kooxdii dhiig-yacabka ahayd ee TPLF, Waxay ahaayeen koox maafiya ah, oo saldhigyo ku lahaa Gayiga ay Soomaalidu Degto sida Hargaysa, Muqdisho iyo meelo kale.

Waxaana Hubaal ah inay uuga hawlgali jireen dad iyagu isir ahaan ka soo jeedaa Umadaas gayigaasi ku dhaqan, balse fulin jiray Danaha Maafiyadaas ku andacoon jirtay 50 sano cid Na lawadaagi karta xukunka majirto! Waa dhalanteedka ay Aaminsanaayeen.

Hadaba Dadkii wakiilnimada jaajuusnimo ooga ahaa aagaas aan soo xusnay ayaa in mudo ah Xadhigu u go’naa, markii Dambe Waxay bilaabeen bal sidii ay usii xajisan lahaayeen boosaskoodii guracnaa ee ay tilmaanta u ahayd shakhsiyada liidata ee daba dhilifnimo!

Xaalka shakhsiyaadkaasi ayaa la mid ah sida Dhurwaa Dharaar ciyay! waxaana Cashir inoogu filan, taariikhdii madoobayd ee aan soo marnay.
midnimada Umadeena iyo u istaagida wixii aayahooda ah cidii baal marsan Waxay haysaa wado dhaxalsiinaysa gacmo madhnaan iyo in gacan la iskaga Qabto inuuna waxba ahayna la tuso tabartiisa.

Isbihinbihinta beer la xawsiga kooxdaas ayaa ku soo gabanaya shaadhka beelaheena, waana mid dhabarkoodu muuqdo Meelna ma gaadhaan abidkood ileen waa Calooshood ushaqaystayaal cidla socdee.

Waxaase ilaahay mahadii ah in bulshadeenu fahansantahay Danaheeda yar iyo waynba, taasi oo dhaxalsiinaysa Idam Allah yoolkooda dhabta ah.

Waxaase xusid mudan Dadkii ku ababay hanaanka taliskii macangaga ahaa dhaq-dhaqaaqooda in isha lagu hayo kuu doonaba ha ahaadee, iyadoona ay Daw ahayn inay bulshada wali ka sii hormuuqdaan.

Waxaan haynaa tubta wadajirka, hanashada hankeena iyo Himiladeena xalaasha ah.

Guusha waxaa iska leh xaqa iyo ehelkiisa markasta IA. Cabdulaahi Cabdi Ibraahim.
Sulaymaaan3@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay