Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Sida ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya ajandaha wada hadalladan ayaa ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal. Madaxdan ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka sida lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga kulanka dhexmaray farmaajo iyo Uhuru in la iskula soo hadal qaaday xiisadda dhanka muranka badda ee ay dowlada Kenya kicisay kuna sheegatay qeyb kamid ah badda Soomaaliya hayeeshee waxaa hubanti ah in madaxdu ay kusoo hadal qaadeen kulankooda balse aan warbaahinta lala wadaagin.

Dhinaca kalena Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lasoo warinayaa in uu goobjoog ka ahaa kulanka dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru kenyatta sida laga arkay sawiro lagu baahiyay baraha bulshada.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay