Shir ay isugu yimaadeen xubnaha iyo taageerayaasha JWXO ayaa shalay ka dhaca magaalada Zurich ee Switzerland, Shirka oo uu marti Ku ahaa Mudane Riyaale Xaamud ayaa lagaga hadlay halka uu marayo halganka ONLF hormuudka ka tahay isbadalada socda iyo sidoo looga faa’iddeysan lahaa.

Mudane Riyaale Xaamud ayaa warbixin dheer kaga hadlay in aanan marnaba laga tanaasulin xaqa Umada Soomaalida Ogaadeenya leedahay isla markaana jabhadu ogolaatay in ay ka faa’iideeysato isbadalada Itoobiya ka dhacay. JWXO moowqifkeedii waxba iskama badalin ayuu yiri Mudane Riyaale Xaamud isagoo intaa raaciyay in isku duubni iyo Soomaalinimo lagu gaari karo in aynu helno xuquuqdeena oo buuxda.

Gudoomiyaha jaaliyada Mudane Raagi ayaa isna hadalo soo dhaween iyo guubaabo goobta ka soo jeediyay. Musanae C/casiis Sheekh ayaa isna ka hadlan in aan marno la iboobin shuhadadii dnafooda u hurtay halganka maanta miro dhalka ku dhow.

Waxaa kaloo goobta ka hadhashay Hooyo Cibaado Marwo Ubax oo ladubada noloshooda oo dhan ku soo qaatay garab istaaga halganka xaqa ah ee JWXO hogaamineeyso. Waxaa sidoo kale taageero buuxda loo muujiyay is badal guud ee ka hana guud ahaanba geeska afrika.

Xubnaha jaaliyada ayaa ku celceliyay in hiil iyo hooba la garab taagan yihiin JWXO laba jibaari doonaana u hiilinta shacabkooda dulmin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay