Shirkada Air China ayaa joojisay isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 MAX8 oo ah nooca dayuuradii Ethiopian Airlines ee Axadii shalay soo dhacday oo ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa oo gaarayey 157 qof.

Waa shilkii labaad oo nooca diyaaradan cusub muddo bilo gudahood ah, waxaa horey u burburtay isla diyaarad noocaan ah oo ay lahady Shirkada Lion Air ee laga leeyahay dalka Indonesia bishii Oktoober ee sanadkii hore, waxaana shilkaasi ku dhintay 189 qof.

Qoraal kasoo baxay maamulka shirkada Air China ayaa lagu sheegay inay joojiyeen duulimaadyadii ay u isticmaalayeen dayuuradan illaa inta laga ogaanayo cilada ka danbeysa shilalkan. Shirkada duulimaadka ee China ayaa kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee diyaaradahan kasoo gatay shirkada Boeing ee laga leeyahay wadanka Maraykanka.

Sidoo kale shirkada Ethiopian Airlines ayaa iyaduna joojisay isticmaalka diyaaradahan ay dhawaan soo gateen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay