Waxaa magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar si diiran loogu soodhaweeyay Wafti balaadhan oo kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Mudane Admiral Maxamed Cumar Cismaan, ayaa soomaray deegaano badan oo u dhaxeeya Magaalada Jigjiga iyo Magaalada Fiiq.

Waftiga oo subixii saaka ahaa ka soo amba baxay magaalada Jigjiga ayaa xili dambe oo maanta ah soo gaadhay magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar, waxaana waftiga soodhaweeyay dadwayne aad utiro badan oo kamid ah shacabka magaalada Fiiq.

Dadka shacabka ah ee magaalada Fiiq oo waftiga kaga horyimid duleedka magaalada Fiiq ayaa sare uqaaday Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge oo waftiga kamid ahaa, waxayna shacabku diideen in ay dhulka dhigaan.

Gudoomiyaha JWXO iyo Afhayeenka JWXO ayaa isku goob kula hadlay shacabka magaalada Fiiq, oo ay kamuuqatay farxad aad ubadan, waxayna madaxdu shacabka usheegeen in ay soobooqdeen Isla markaana ay danaha dalka iyo dadka kawada hali doonaan.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa meel fagaare ah kula hadlay doona dadwaynaha kudhaqan Dagmada Fiiq, waxayna madaxdu gudbin doonaan fariintii Jabhada ee ahayd midnimo iyo Ismaqal.

Kulamada madaxda JWXO ay shacabka Soomaalida Ogadenia uqaban doonaan kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.

ONA/Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay