Waxaa hoolka Shirarka ee Magaalada Fiiq kasocota qabanqaabada xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO. Oo maalinnimadii shalay ahayd soogaadhay magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar.

Xafladan oo ay ka hadli doonaan madaxda ugu saraysa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, ayaa furmi doonta goor dhaw hadii Alle Idmo.

Dadka shacabka ah ee Magaalada Fiiq kudhaqan ayaa si wayn ugu Soo qulqulaya goobta ay xafladu kadhacaso, iyagoo kulabisan calanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Xafladan oo ahmiyad gaar ah leh kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.

ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay