Waxaa hada hoolka Shirarka ee Dagmada Fiiq soogalay madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Dadwaynaha magaalada Fiiq oo aan ukala hadhin ayaa sidiiran usoo dhaweeyay Madaxda JWXO, iyagoo sacab iyo sawaxan aad ubadan kusoo dhaweeyay Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia.

Bulshada Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar oo ay kamuuqato baahida ay uqabaan aragtida madaxda JWXO ayaa diiday in ay sacabka joojiyaan kadib markay hoolka soogaleen madaxda JWXO, waxaana adkaatay in lakantaroolo bulshada.

Salaan diiran oo madaxda JWXO iyo dadwaynuhu ay kala qaateen karib waxaa lagu soodhaweeyay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo hada khudbadiisu ay socoto.

Qaybaha kale ee Xaflada kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.

ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay