Waxaa hada si nabad ah kusoo dhamaatay xafladii Balaadhnayd ee shacabka magaalada Fiiq ay uqabteen Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Xafladan oo ahayd mid taariikhi ah waxaa khudbad mug leh kasoo jeediyay Gudoomiyaha JWXO Adm Maxamed Cumar Cismaan, wuxuuna gudoomiyuhu shacabka Magaalada Fiiq usheegay in ay ahaayeen kuwii ugu daraa ee halgankii JWXO inta uusocday ladhibaateeyay, sidaas darteedna loogu hormariyay booqashada Madaxda JWXO.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa shacabka magaalada Fiiq usheegay in aysan JWXO katanaasulin wax kamid ah xaqii loodagaalamayay, balse ay hab nabad galiyo ah ku halgami doonaan.

Sidoo kale waxaa lagusoo dhaweeyay Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Maxamed Shariif, wuxuuna Xoghayuhu sheegay in aan dadka shacabka ah loo xoogsheegan karin, isla markaana ay xaq uleeyihii in ay helaan dowlad nimo buuxda.

Sidoo kale waxaa sacab iyo sawaxan lagusoo dhaweeyay Afhayeenka JWXO mudane Cadaani Hirmooge, wuxuuna halgame Hirmooge shacabka Magaalada Fiiq uga xogwaramay heshiiskii JWXO ay lasoo gashay Itoobiya, isagoo xusay in ay 9 bilood kadib shacabkoooda utalin doonaan hadii Alle Idmo.

Waxaan meesha kamaqnayn kaalintii suugaan halgameedka, waxaana shacabka madadaalinayay Abwaanka wayn ee Maxamuud Jaangoo iyo kooxdiisa Hiil Qaran.

Xafladan oo ahayd mid taariikhi ah ayaa kusoo dhamaatay sinabad ah, waxayna madaxdu kulamo gaar gaar ah lagali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka barakaysan ee madaxda JWXO ay kumarayso Gobolada Ogadenia kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.

ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay