Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Halgame Cabdiqaadir Sh Xassan Hirmooge (Cadaani) oo shacabka magaalada Fiiq meel fagaare ah kula hadlayay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia kunool ay xaq uleeyihiin in ay unoolaadaan sida shucuubta kale unooshahay iyo si kasii fiican.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in talada wadanka ay JWXO qabandoonto 9 bilood kadib hadii Alle Idmo, isagoo sheegay in qorshahaasu uu cadyahay.

Hadalka Afhayeenka JWXO waxaa siwayn ugu riyaaqay dadkii shacabka ahaa ee dhagaysanayay, kuwaas oo baahi badan uqabay aragtida madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Sidoo kale Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Maxamed Shariif Cumar ayaa dhankiisa shacabka magaalada Fiiq usheegay in ay mudanyihiin in ay helaan waxa ay rabaan, isagoo sheegay in aysan ujoojinin kuwa xumaanta umada xambaarsan.

Xoghayaha oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in shacabku ay ilaaliyaan amaanka Isla markaana ay ka hortagaan qofkasta oo dhibaato wada.

Khudbadaha labada mas’uul oo ahaa kuwo mug leh ayaa umuuqday kuwo shacabku ay guntadeen meel fogna kuxidheen.

Tuuladiid.
ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay