Waxaa hada Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar kasocda Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Fiiq.

Kulankan oo ahaa mid is waraysi iyo is booqasho ah ayaa kadhacay Hotel Barwaaqo oo ah meesha ay dagan yihihiin madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, waxaana shirka gudoominayay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Madaxda JWXO ayaa si heer sare ah usoo bandhigay qorshaha JWXO ee xiligan iyo waliba sooyaalkii taareekheed ee halganka shacabka Soomaalida Ogadenia uu soomaray.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Fiiq ayaa dhankooda Madaxda JWXO umuujiyay in ay yihiin rajada kaliya ee ay qabaan Kuna taami jireen in ay mar uun arkaan madaxda JWXO oo talada wadanka haysa.

Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay in Gobolkan Erar uu ahaa kii ugu dhibaatada badnaa dhamaan Gobolada Ogadenia, waxayna kusheegeen Gobolka dhiiga ugu badan uu kudaatay.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa ku dardaarmay midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah waxa kaliya ee guul iyo hormar lagu gaadhi karo.

Tuuladiid.
ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay