Waxaa galabta magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar kaqabsoomay shir balaadhan oo ay soo abaabuleen Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU.

Kulankan oo aad ubalaadhnaa waxaa khudbad aad uqiimo badan kufuray Gudoomiyaha Ururka OYSU ee wadanka Ogadenia, Mudane Cumar Sheekh Cabdulaahi (Cumar Sooya).

Gudoomiye Cumar oo wehelinayay Waftiga JWXO ee Gobolka Erar ayaa sheegay in Ururka Dhalinta iyo Arday Soomaalida Ogadenia OYSU looga baahan yahay sidii ay u dhamays tiri lahaayeen howlaha halganka ee lagusoo simay.

Sidoo kale waxaa Dhalinta khudbad Taariikhi ah ujeediyay Hogaanka Qorshaynta iyo Cilmi Baadhista JWXO Mudane Maxamed Ibraahim Mursal, wuxuuna Hogaanku sheegay in lajoogo xiligii dhalintu ay howlahooda qabsan lahaayeen.

Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Maxamed Shariif Cumar ayaa dhankiisa sheegay in halgankii uu wali socdo sinabad ahna uu usocdo cududa iyo aqoonta larabo in ay wax qabatana ay Dhalinta tahay.

Koox faneedka Gurmad Qaran ayaa suugaan halgameed kuhafiyay dadkii faraha badnaa ee shirka kasoo qayb galay.

Tuuladiid.
ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay