Waxaa Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Dagmada Qabridahare kaqabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Unugta xaafada 7aad ee magaalada Qabridahare.

Kulankan oo ay soo abaabuleen maamulka Gobolka Qoraxay iyo maamulka Dagmada Qabridahare ee xafiiska JWXO ayaa udhacay sidii loogu tala galay waxaana kasoo qayb galay inta badan xubnaha Unugta Xaafada 7aad ee magaalada Qabridahare.

Kulankan oo ahaa mid abaabul ah ayaa lagula kulmi doonaa dhamaan Unugyada Xaafadaha 11ka ah ee kadhisan gudaha Magaalada Qabridahare, waxayna gudigu xubnaha kuboorinayaan sidii loosii laban laabi lahaa howlaha balaadhan ee xubnaha uyaala.

Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay ee Xafiiska JWXO iyo Gudoomiyaha Dagmada Qabridahare ee Xafiiska JWXO ayaa si mug leh ula hadlay xubnaha Jabhada Wadaniga Ogadenia JWXO ee kadhisan xaafada 7aad ee magaalada Qabridahare.

Xubnaha unugta xaafada 7aad ayaa dhankooda sheegay in ay kasoo bixi doonaan howlaha horyaala iyagoo adeegsanaya nidaamka iyo xeerka uyaa Jabhada ONLf.

Gabagabadii kulankii dhex maray Maamulka Xafiiska Jabhada ee magaalada Qabridahare iyo Xubnaha Unugta JWXO ee Xaafada 7aad ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah.

Tuuladiid.
ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay