Waxaa dagmada sagag ee gobolka Nogob gaadhay wafdigii Jwxo ee uu hogaamin hayay gudomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Admiral Mohamed Cumar cisman.

Wafdiga jwxo oo saaka kasoobaxay caasimada Gobolka Erar ee Fiiq ayaa waxuu hada soogadhay magalada sagag, waxaana wafdiga jwxo bananka magalada kaga hortagay kumanaan shacab ah oo  uu horkacayo Ugaas fowsi ugaas  aadan Xadiis,waxgaradka,Culimada,Aqoonyahanka iyo Dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan.

Guddoomiyaha iyo wafdiga lasocda ayaa wakhti xaadirkan magalada dhaxlugayn haya bulshadana salaamaya.

Shacabka kudhaqan Dagmada sagag ayaa siwayn ugu diyaar garoobay soodhawaynta masuuliyiinta jwxo waxaana guud ahaanba magalada laga dareeemaa farxad iyo damaashad.

ONA/OGADENYA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay