Dagaalkii lagu qaaday ciidanka cadawga ee deganaa Darguduudo ayaa sii kordhaya tirada dhimshada  cadawga ee dagaalkaas. Warbixinadii ugu dambeeyey oo meela kala duwan aan ka helnay ayaa hada waxay marinayaan dhimashada cadawga 16 askari, halka uu dhaawacu kor u dhaafay ilaa 25 askari.

Dagaal ka dhacay 20/4 /12 meel u dhaw Galaalshe oo socday labadii galin ee maalintaa ayaa cadawga waxaa lagaga dilay in ka badan 5 askari, waxaana looga dhwaacay tiro kale. 

Warar kale oo hordhac ah ayaa sheegaya in weerar ay ciidamada jabhadu ku qaadeen xeyaha cadawga ee degmada Iimaybariayaa waxa loogu gaystay khasaare balaadhan ciidankii cadawga ee daganaa xeryaha Iimaybari. Waxaanan la sheegayaa in weerarkaa ay ku kaliftay inay badalaan aagii ay daganaayeen oo ay uga guuraan aagag cusub.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay