Waftigii JWXO ee uu Hogaaminayay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sidiiran loogu soodhaweeyay Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa saaka subixii hore kasoo baxay Magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar, waxayna socdaal dheer kusoo mareen tuulooyinka iyo Dagmooyinka udhaxeeya Fiiq iyo Sagag.

Waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee socdaalka barakaysan kumaraysa Gobolada Wadanka ayaa Kuhakaday Dagmada Yaxoob, halkaas oo ay kula kulmeen Aabo Haybe Cismaan Ow-cali oo ah aabaha Al-shihiid Mustafe Haybe.

Ugaas Fowsi Ugaas Aadan Xadiis ayaa waftiga JWXO kaga horyimid duleedka Dagmada Sagag, waxaana Ugaaska wehelinayay kumanaan shacabka magaalada ah.

Madaxda JWXO ayaa hadal kooban shacabka ujeediyay, waxaana waftiga loogalbiyay goobihii loogu talo galay, halkaas oo si heersare ah loogu maamuusayo.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa laguwadaa in ay dadka shacabka ah kula hadlaan meel fagaare ah hadii Alle Idmo.

Socdaalka waftiga JWXO kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Sagag.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay