Shacabka Dagmada Sagag oo aan ukala hadhin ayaa si wayn usoo dhaweeyay Waftigii JWXO ee uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Jabhada Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Waftiga oo maanta xili kulul soogaadhay magaalada Sagag ayaa lagaga hortagay duleedka magaalada, halkaas oo caleemo qoyan iyo alalaas lagusoo dhaweeyay.

Ugaas Fowsi Ugaas Aadaan Xadiis ayaa kamid ahaa dadkii sida wayn usoo dhaweeyay Madaxda JWXO, wuxuuna ugaasku madaxda JWXO kula dhex lugeeyay magaalada Sagag.

Kulamada ay madaxda JWXO layeelan doonaan shacabka Magaalada Sagag kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Sagag.

Hoos Kadaawo sawirada soodhawaynta maanta loosameeyay Madaxda JWXO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay