Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee socdaalka kawada Gobolada Ogadenia ayaa booqday Aabo Haybe Cismaan Ow-cali oo ah Aabaha Al-shihiid Mustafe Haybe.

Madaxda JWXO ayaa Aabo Haybe kubooqatay gurigiisa Dagmada Yaxoob ee Gobolka Erar, halkaas oo baryihii ugu dambeeyay uu kunoolaa.

Aabo Haybe wuxuu kamid ahaa dadkii dhibaatada baaxada leh ay gumaysigu ugaysteen, waxaana lamariyay ciqaab aduun, Aabo Haybe oo ah nin da’a ah waxaa laga dhacay dhamaan wuxuu duunyo lahaa waxaana lalaayay dadkiisii inta badan.

Daqiiqado kadib markay madaxda JWXO soogaadheen magaalada Yaxoob waxaa isbadalay Jawigii waxaana bilowday oohin iyo murugo, waxaana isku muusanaabay madaxdii JWXO iyo Aabo Haybe oo ay kamuuqato dhibaatadii loogaystay.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa Aabo Haybe Cismaan Ow-cali usheegay in uu iska samro, waxayna sheegeen in uu dhibka kabixi doono goor aan fogayn hadii Alle Idmo.

Tuuladiid.
ONA Yaxoob.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay