Waxaa hada Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob soogaadhay Waftigii JWXO ee uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Waftigan oo maanta barqinkii kasoo baxay Dagmada Sagag ee Isla Gobolka Nogob ayaa kusoo hakaday Tuulada Barmiilka iyo waliba tuulooyin kale oo badan, halkaas oo dadka shacabka ah ay ugudbiyeen fariintii ay xambaarsanaayeen.

dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dhuxun oo aan ukala hadhin ayaa waftiga usoo dhaweeyay si layaab leh, waxayna kusoo dhaweeyeen Digrisalaam.

Waftiga oo kujira socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha ayaa lagumari doonaa dhanaan Gobolada wadanka Ogadenia, waxayna waftigu maalinta bari ah shacabka kula hadli doonaan meel fagaare ah hadii Alle Idmo.

Wixii kasoo kordha socdaalka Hayaanka Guusha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Dhuxun.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay