Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee socdaalka Hayaanka Guusha kujira ayaa saaka siwayn loogu soodhaweeyay Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dhuxun ayaa siwayn isugu soobaxay goobtii ay Xaflada Soodhawayntu kadhacaysay, waxaana shacabka wajiyadooda kamuuqday farxad aad uwayn.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa shacabka ree Dhuxun ugudbiyay fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah waxa kaliya ee hormar iyo hadafka lagu gaadhi karo.

Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa kudheeraaday Midnimada iyo in shacabku israaco, wuxuuna Gudoomiyuhu fariintiisa ugudbiyay qaybaha kala duwan ee bulshada Dhuxun.

Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge ayaa dhankiisa sheegay in JWXO ay heshiis lagashay dowlada Itoobiya Isla markaana uusan jirin qof la dili doono, la xidhi doono, la dhici doono, ama la ciqaabi doono.

Halgame Maxamed Shariif Cumar Xoghayaha Golaha Dhexe ayaa dhankiisa sheegay in dadka shacabka ah aan loocaga juglayn karin, Isla markaana ay umadax banaan yihiin rabitaan kooda.

Wixii kasoo kordha socdaalka Hayaanka Guusha ee waftiga JWXO kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Dhuxun.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay