Weerar argagaxiso oo lagu qaaday Jimcihii labo masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa lagu dilay ugu yaraan 49 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sii kororto maadaama ay jiraan dad badan oo qaba dhaawacyo culus. Labada Masaajid ee la weeraray ayaa kala ahaa Masjid Al Nuur oo ku yaal bartamaha magaalada iyo masaajidka xaafada Linwood.

Dowlada New Zealand oo ku dhawaaqday inuu weerarkan ahaa mid argagaxiso ah ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay sadex qof oo uu ku jiro ninka weerarkaasi fuliyey. Raysalwasaaraha New Zealand Mrs. Jacinda Ardern ayaa sheegtay in sidoo kale la qabtay qaraxyo ay kooxdan ku xireen gawaari kahor intii aysan qarxin.

Ninka geystay isagu weerarka oo ku hubeysnaa hubka daraan-dooriga u dhaca ayaa la sheegay inuu si toos ah (Live) falkan ugu baahinayey bartiisa Facebook, wuxuuna sidoo kale shaaciyey Bayaan 87 bog ah oo uu ku sheeganayo weerarkan iyo siyaasada cunsurinimada ku dheehan & Cadaawada uu u qabo Muslimiinta, wuxuuna sheegay inuu taageersan yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Xasuuqan oo noqonaya kii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca ayaa lala beegsaday muslimiinta xili ay isugu soo baxeen salaada Jimcaha, waxaana la sheegay in kooxda weerarkan geystay ay isu-diyaarinayaan oo abaabulayeen weerarkan muddo 2 sano ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay