Hadalkaa waxaa yidhi markuu dibada uga soo baxay xabsiguu ku xidhnaa 13ka sano halgame Cabdulaahi Muxumad oo loo yaqaanay Xassan uu arkay madaxdii ururka oo banaanka u taagan.

Muwaadinkan wuxuu mudadaa ugu xidhnaa si xaqdarra ah oon sharciga waafaqsanayn xukuumadii hore ee Tigreega. Inkastoo waqtiya kala duwan la soo daayay maxaabiis badan oo dambi beenaadka loo haystay, waxaa xusuus mudan in kooxdii Itixaadka ee soo gashay ay kaga tageen xabsiga markii loo ogolaaday In loo sii daayo maxaabiistii ka xidhnayd.

Waxaa ilaahay mahadii ah in xafiiska uruka ONLF ee Addisababa oo iska xilsaaray arinta muwaadinkaa 13ka sano sida xaqdarada ah xidhnaa kuna xukunaa xabsi daa’in inuu ku guulaystay oo maanta loo ogolaaday inay kala baxaan xabsigii.

Waxaan ugu hambalyaynaynaa ehelada iyo saaxiibadii iyo dhamaan umadda Somalida Ogadenya soo daynta halgame Cabdulaahi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay