Waftigii JWXO ee kujiray Socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha ayaa booqasho kutagay qabrigii Al-shihiid Sayid Cabdiwali Sh Cali oo kamid ah saraakiishii ugu magaca iyo manfaca badnaa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waftiga JWXO ayaa markay soogaadheen Tuulada Barmiil ee Gobolka Nogob loo galbiyay Gurigii Al-shihiid Sayid Cabdiwali, halkaas oo ay ehelkiisii Kunoolyihiin.

Waftiga JWXO ayaa Tuulada Barmiil loogu sameeyay maamuuskii ugu badnaa, waxaana madaxda Jabhada loodiiday in ay socdaan ama dhaafaan, halkaas oo sooryo heersare ahna loosameeyay.

Waftiga ayaa ujehaystay Qabrigii Al-shihiid Sayid Cabdiwali iyadoo duco badan iyo qur’aan akhris loomariyay, sidoo kale waxaa taariikhiidii Sayidka kasheekeeyay Halgame Cadaani Hirmooge iyo N/hure Axmedsanwayne oo sheekha lasoo shaqeeyay.

Atintii ugu cajiibsanayd ee Sayidka la’iiga sheegay ayaa ahayd Geesinimo aan laqiyaasi karin, waxaana layidhi Sayidka ayaa dagaal galay wuxuuna diiday in uu xabada kagabado gabado, isagoo markii dagaalka laga baxay yidhi (Ileen Mulatari unbaa Cabsida Laga Bartay) taas oo uu ulajeeday ciidankii lasocday oo xabada kagabanayay.

Allaha unaxariisto Al-shihiid Sayid Cabdiwali Sh Cali. Aamiin Aamiin.

Tuuladiid.
ONA Dhuxun.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay