Waxaa hada Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob soogaadhay Waftigii JWXO ee kujiray socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha.

Shacabka Gobonimo doonnimada kucaan baxay ee ree Garbo oo aan ukala hadhin ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyay waftigan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia.

Waftiga JWXO oo kasoo socdaalay Magaalada Jigjiga ayaa soomaray dhul balaadhan oo kamid ah wadanka Ogadenia, waxaana si aan laqiyaasi Karin waftiga usoo dhawaynayay kumanaan kamid ah shacabka Gobonimada jecel ee Soomaalida Ogadenia.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Garbo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay