Shacabka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Dagmada Garbo ayaa si heer sare ah usoo dhaweeyay Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee socdaalka Hayaanka Guusha kujira.

Shacabka Dagmada Garbo ee Gobta ah ayaa Caano Geel oo dhay ah kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha JWXO iyo waftigiisii socdaalka kuwehelinayay.

Sidoo kale shacabka ree Garbo iyo maamulka Xafiiska JWXO ee Dagmada oo isku duuban ayaa kutub qur’aan ah kusoo dhaweeyay Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee maanta barqinkii Garbo soogaadhay.

Madaxda JWXO ayaa siwayn uga maqsuuday soodhawaynta taariikhiga ah ee Dagmada Garbo loogu sameeyay.

Tuuladiid.
ONA Garbo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay