Hebalow  aan kala  riyoono  ha  igu  riyoonin

Gumeysiga ayaa aad uga cabsi qaba ciidanka ONLF oo dhowanahan danbe kusoo weerara gudaha magaaloyinka. Taas waxa ay keentay in gumeysigu maryihiisa ka cararo oo qof kasta oo ree Ogadeniya ahna ay kuso rogaan ciqaab. Iyaga oo ugu maahmaaha shacabka Somalida Ogadeniya ONLF ma ihi waxay la micno tahay Badda ayaan ku dhacay Biyona imasoo taaban. Sidaas awgeed qof kasta oo muwaadin ah Ogadeniya waxa lagu xukumay innuu yahay Taageero ONLF. Qofkii lagu eedeyo innuu yahay tagero ONLF ama kaba tirsanyahay Ciidanka wadaniga Xoreynta Ogadeniyana iyada oo baadhitaan iyo xukun toona lagu qaadin ayaa horey laga toogta ama xabsiga loo taxaaba. Waxa hadaba waayadan danbe soo batay Cabsida Gumeysiga uu ka cabsanayo Ciidamada ONLF. Taasna waxay keentay qisoyin hor leh inay ka dhacan Ogadeniya. Hadaba aqrisyayaasha ONA waxa aan la wadaagayna Qiso Ugub ah oo ka dhacday Ogadeniya gaar ahaan Magaalada Jigjiga.

hadal haynta  magalada  jigjiga  ee  saaaka waa  riyana  waa  la  isku  xidhayaa malana waa  la isku xidhayaa!

Hadal  heeynta  iyo layaabka  ugu  wayn  saaka  magalada  jigjiga  waa  Nin Riyo  lagu xidhay oo 3 sano  lagu  xukumay iyada oo Jeel Ogaden loo dhaadhiciyay.

Magaalada, jigjiga  ayaa  waxaa  ka dhacday  Arin mucujiso ah ogadeniya waxaa  kadhaca filimo dhab ah oo aduunka kale  kadhicin

Waxaad Horya u maqli Jirtay oo aan kugu cusbeyn:

itoobiya yaa hebal xidhay oo maxaa looxidhay waa ONLF. oo goorma ayuu noqday…

Sidookale waxaad maqashay inbadan itoobiya hebal ayaay dishay oo maxaa loodilay taageero ONLF ayuu ahaa.

Waligaa mamaqashay hebal riyo ayaa lagu xidhay?

Waayaab maanta. waxaa taagan Riyo nin riyooday ayay itoobiya dad ku xu kuntay xadhig.

Waxaa lagu soowaramayaa rag meel hurda in uu midkamid ihi riyooday dabadeedna qayliyaay. waxaana la weydiiyay waxa uu La qaylinayo wuuna diiday innuu sheego waqtigaas iyada ah. Waxa uu door biday inuu toos  u aado xerada ciidanka Woyanaha. dabadeedna wax uu ku waramay in uu riyooday oo uu ku riyooday nin  layiraahdo shiine ismaaciil oo ay meeshawada hurdeen inuu raacay Ciidanka ONLF. (hada waariyo) dabadeedna uu ku soolaabtay jigjiga- asagoo  hubaysan kadibna u quudhi  waayey in uu  xabad  kudhufto oo  uu gawaracay. Markii uu igowracay ayaan sasay oo hurdadi kasoo booday ayuu yiri.

Qisada Riyada markii Ciidanka Woyanaha iyo dabadhoonkiisa markii loo sheegay waxaa dhacday in ninkii riyada ONLF ku noqday la xidhay. Waxaana ninkaas lagu magaacaba shiine  ismaciil. waxaana lagu xukumay 3 sano oo xadhig, waxana  loodhadhiciyey  jeelka  wayn  ee  jeel  ogaden.

Waayaab. hadal  heenta  ugu  badan  ee  maanta  taala  jigjiga  ayaa  ah  hebalow  aan kala  riyoono  ha  igu  riyoonini, war  waagii  horaba  waa  la  idaba  socdaye armaaa  la  igu  riyoodaa.

waa  sheeka  dhaba  waxana  dhacaday  3 bari  ka  hor.

Omar Jigjiga

ONA


 
 

1 Comment

  1. Youn Oysu says:

    Waa wax aad loolayaabo hadaba taasi waxay kuu iftiiminnaysaa ama kuu cadaynaysaa inay tabarta wayaanuhu aad u xumaatay. OO ayna CWXO iska celin karin marka la iskaga horyimaado goobaha dagaalka. Taasna waxaa keenay taageeraha shacabka dulman ay u hayaan Jabhada ONLF. Marka ciidama Tigreegu waxay ku soo laabtaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin. Iyagoo u gaysta ciqaabo kala duwan sida (Dil, jidhdil, xidhay, kufsi iyo habti boob IWM). Hadaba waxaa bishaaro inoo ah dhamaanteen inay xornimadu gacanteena ku jirto oo hada ayna ku jiran gacanta Gumeysiga taas waxaan uga goleeyahay xornimadu waxay ku xidhantahay hadba siday dadka shacabkihi u taageeraan Halganka ay ONLF hormuudka u tahay. Ogadeniya ha xorowdo guul iyo gobanimo iyo isku tashi inshaa allaah.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay