Wafti balaadhan oo kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo indhawaalaba kusugnaa Gobolka Doollo ayaa Shir wayn kuqabtay Dagmada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo.

Waftigan oo kasoo baxay magaalada Jigjiga ayaa socdaal dheer kukala bixiyay Dagmooyin iyo Tuulooyin katirsan Gobolka Doollo, waxayna waftigu qabteen shirar dhowr ah.

Waftigan oo ay ujeedadoodu ahayd abaabul iyo sidii shacabka ree Doollo loogu diyaar garayn lahaa soodhawaynta Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo dhawaan gaadhi doona Gobolka hadii Alle Idmo.

Shacabka kudhaqan Gobolka Doollo oo ah dad Gobonimada Jecel ayaa siwayn ugu diyaar garaysan soodhawaynta waftiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee Gobolada wadanka kumaraya socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha.

Waftiga JWXO ee Gobolka Doollo iyo Odayaasha Dagmada Wardheer ayaa isku afgartay in ay siwada jir ah uga shaqeeyaan howlaha soodhawaynta.

Tuuladiid.
ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay