Maqaalkan xiisaha leh oo ku qoran afka Ingriisiga (akhri)  The Legitimacy of the Armed Struggle in Ogaden, waxay marwo Sharezad F. Gaas ku bilowday maqaalkeeda qiimaha badan inay dood dheer la gashay qaar sheegta inay ka mid ahaan jireen taageerayaasha ONLF, hadase ku dooda inay ka soo horjeedaan dagaalka hubaysan ee ka socda Ogadenya si gumaysiga looga xoreeyo.

Waxayna sheegtay qoraaga in kooxdan doodooda ay ku saleeyaan ereyada ah, aan tijaabino hab kale, sida nabad in aan ku doono hadafka aan raadinayno.

Hasa ahaatee markaan hordhigo waaqica jira iyo in aanay suurtagal ahayn xataa xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha in sidaa lagu gaadhi karo, iskaba daa xoriyade waxay ku jawaabayaan bay tidhi Sharezad; ” Ma aynaan tijaabinin istraatiijiyadaa hadda ka hore maan tijaabino hadda”. Waase been arintaa, sababtoo ah bay tidhi Sharezad; ONLF 1994 ayay tijaabisay markay ka qayb qaadatay doorashadii sanadkaa, waxayna kala kulantay darsin adag oo lama iloobaan ah.

Dood caqligal ah ma’aha waxay raadinayaan kooxdan waxayna diyaar u yihiin inay dhabanka kale u duwaan marka uu cadawga dharbaaxo. Maadaama ay faraha kala bexeen halganka, waxay rabaan waa is-dhiibid oo si kale loo dhahayo.

Maqaalka oo dhamaystiran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay